Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo garab ka helaya ciidanka Daraawiishta Galmudug iyo kuwa dadka deegaanka ayaa saakay si buuxda ugala wareegay Al-shabaab deegaano ku yaala Koonfurta gobolka Mudug.
Deegaanada ay saakay la wareegeen ciidamada is kaashanaya ayaa kala ah Dhagaxdheer iyo Dahar Cali Xayloow, kuwaas oo hoostaga magaalada Caad ee koonfurta Mudug.
Saraakiisha hoggaamineysay howlgalkaan ayaa warbaahinta qaranka u sheegay in ciidamada ay wali wadaan howlgal ay kusii baacsanayaan xubnahii Shabaabka ahaa ee laga saaray deegaanadaan hoostaga magaalada Caad.

