Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya iska hor imaad u dhaxeeyay Ciidamadda Booliska Degmadda Guriceel ee Gobolka Galgaduud ee Maamulka Galmudug iyo Maleeshiyaad ku sugnaa Gudaha Degmadaas,kaasi oo xalay dhacay.
Ciidamadda Booliska iyo kuwa Nabadd Sugidda Degmadda Guriceel ayaa xalay sameeyay howlgal amaanka lagu xaqiijinayay sidoo kalana hub ka dhigis loogu sameynayay Maleeshiyaadka iyo shaqsiyaadka hubka ku haysta Degmadda Guriceel.
Ka hor howlgalka Taliska Booliska Degmadda Guriceel ayaa soo saaray awaamiir lagu xaqiijinayo amaanka Degmadda,waxaana digniin loo diray dhamaan dadka hubka ku haysta magaaladda.
Taliyaha Ciidamadda Booliska Degmadda guriceel, Cusman Cali Huudey ayaa sheegay in ay bilowdeen howlgalo amaanka lagu xaqiijinaayo,islamarkana cidii ka hor imaado talaabo laga qaadi doono.
Waxa uu sheegay in Wixii ka dhacay xaduudka Dowladd Deegaanka iyo Gobolka Galgaduud kadib la qaatay in sameeyo howlgalo amaanka lagu xaqiijinayo, si loogu baaqsado in dhibaatooyin ay ka dhacaan magaalooyinka Galmudug.
Howlgalkii xalay dhacay Degmadda Guriceel,islamarkaana sida wadajirka u sameeyeen Ciidamadda Booliska iyo kuwa Nabadd Sugidda ayaa waxaa ka hor yimaaday Maleeshiyaad la sheegay in magaaladda ku sugnaayeen.
Iska hor imaad dhexmaray labadda dhinac ayaa dhaliyay khasaare dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray labada dhinac iyo dad shacab ah.
Inta la xaqiijiyay waxaa iska hor imaadka ku dhintay mid kamid ah askarta Booliska Degmadda Guriceel,iyo mid kamid ah Maleeshiyaadka amar diida sameeyay, waxaa sidoo kale dhaawac uu soo garay qof shacab ah.
Warar soo baxaya aaya sheegaya in Ciidamadda Booliska iyo kuwa Nabadda Sugidda Galmudug ay ku guuldareysteen in gacanta ku dhigaan ragii ku sugnaa xaafadd kamid ah Degmada Guriceel,islamarkaana ay dib kaga laabteen goobta.
Dhanka kalae ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Taliska Booliska Degmada Guriceel oo loogu hadlaayo falkii ka dhacay Degmadda.
Maamulka Galmudug ayaa haatan wado qorshe ku aadan in hub ka dhigis lagu sameeyo maleeshiyaad iyo shaqsiyaadka hubka ku haysta Gudaha magaalooyinka Galmudug kadib markii ka dhacay magaaladda,taasi oo colaadiisa kasoo bilaabatay Deegaanka Xananbuure woqooyiga Gobolka Galgaduud.
