Qoor-qoor oo Tacsiyeeyay Geerida Madaxweyne Hore Maxamed Axmed Caalin.

0

Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa ka tacsiyeeyay geeridii ku timid Allaha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Galmudug mudane Maxamed Axmed Caalin.

 

Madaxweyne QoorQoor ayaa ilaahey uga baryey inuu jannooyinkiisa sarsare ku irsaaqo walaalkiis Maxamed Axmed Caalin, Eebbana uga baryey ehelkiisana inuu ka sabir siiyo.

 

Madaxweynaha ayaa yiri “ Walaalkey Maxamed Axmed Caalin wuxuu ahaa nabaddoon ay lahaayeen Reer Galmudug iyo Soomaali oo dhan, wuxuu ku sifeysnaa wanaag idilkiis, wuxuu bulshada Reer Galmudug ugu xisaabsanyahay halyeey weyn, ilaahey gadaashiis nama fidneeyo, ehelkiisana si gaar ah ayaan ugu tacsiyeyneynaa”

 

Dhamamad.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here