Madaxweynihii Hore ee Galmudug Maxamed Axmed Caalin oo Geeriyooday

0

Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Galmudug Maxamed Axmed Caalin ayaa caawa ku geeriyooday magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Marxuumka oo da’ahaa ayaa la sheegay in muddooyinkii dambe uu ku xanuunsanaa dalka Ingiriiska, ugu dambeyntiina caawa ayuu geeriyooday.

 

Madaxweyne Caalin ayaa ahaa aas-aasihii maamulka Galmudug oo markii ugu horeysay laga dhisay koonfurta magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Allaha u naxariistee Maxamed Axmed Caalin ayaa waayihii dambe ka mid ahaa odayaasha lagu ixtiraamo aas-aaskii maamulka Galmudug, wuxuuna waayihii dambe ku noolaa dalka dibadiisa.

 

Maxamed Axmed Caalin wuxuu ahaa madaxweynihii 2-aad ee Galmudug, wuxuuna ka dambeeyay madaxweyne Maxamed Warsame Cali “Kiimiko” oo ahaa madaxweynihii ugu horreeyay ee Galmudug, kaas oo isna geeriyooday 06-May- 2019.

Madaxweyne Maxamed Axmed Caalin wuxuu door weyn ku lahaa dhamaystirka hanaankii dalka looga saarayay kumeelgaarnimada, wuxuuna ka mid ahaa madaxweyneyaashii saxiixay 2012.

Allaha u naxariistee Madaxweyne Caalin wuxuu xafiiska laga maamulo Galmudug fadhiyay intii u dhaxeysay 14 August 2009 illaa 1 August 2012, wuxuuna kursiga u banneeyay Janaraal Cabdi Xasan Cawaale “Qeybdiid” ka dib doorasho dhacday.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here