Wararka ka imaanaya Magaaladda Jowhar ee Caasimadda Hir-shabeelle ayaa ku waramaya in Maleeshiyaadka Al-shabaab ay afduubteen Kalkaaliye ka tirsan Waaxda Caafimaadka Isbitaalka Jowhar sidoo kalana ahaa Macalin wax ka dhiga Iskuulka Buurane Primary School ee Magaaladaas.
Afduubkaan ayaa dhacay Taariikhda marka aheyd 11-10-2023-ka,waxayna shabaab ula baxeyn sida nalo xaqiijiyay banaanka Magaaladda Jowhar.
Kalkaaliyahaan oo lagu magacaabo Axmed Maxamed Cali, kana tirsan macalimiinta wax ka dhiga iskuulka Maamulka Hir-shabeelle hoos yimaadda ee deegaanka Buurane ayaa la afduubtay xili uu dib ugu laabanayay hoygiisa.
Qoyska Axmed oo la hadlay idaacada Simba ee Magaaladda Muqdisho ayaa sheegay iney layaab ku noqotay weerarka Al-shabaab iyo afduubkaan maadaama Axmed uu yahay nin dhalinyaro ah oo deegaanka aad looga yaqaano dadkana aad u caawiya.
Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Al-shabaab oo ku aadan afduubka loo geystay wiilkaan dhalinyaradda ah, iyo sababaha keenay in ay afduubtaan.
Dhanka kale Maamulka Hir-shabeelle oo xiriiro aynu la sameynay ayaa dhankooda ka jawaabin wicitaanka idaacadda Simba si su’aalo aan kaga weydiino afduubka loo geystay Axmed Maxamed Cali.
Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa kasoo horjeeda horumarka ay sameeyaan dhalinyaradda Soomaaliyeed,waxayna deeganadda ay gacanta ku hayaan ay ka mamnuuceen in ay ka shaqeeyaan Hay’adda gargaarka.


