Musharixiinta KGS oo Xasan Shiikh ku Eedeeyay in uu Ka Hor Istaagay Baydhabo

0
Madasha MAANSHIIL ee arrimaha Koonfur Galbeed oo ay hogaamiyaan gudoomiyeyaashii hore baarlamaanka federaalka Soomaaliya iyo siyaasiyiin kale oo xilal sarre kasoo qabtey dalka ayaa madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeeyay in uu labo jeer ka hor-istaagay safar ay ku tagi lahaayeen magaalada Baydhabo.
War-saxaafadeed ay soo saareen ayay ku caddeeyeen in uusan waxba iska badalin mowqifkooda Siyaasadeed, ayna wixii ka dambeeya 1-da Bisha November madaxwayne heshiis siyaasadeedkii uu kujoogey ka dhamaadey u aqoonsan yihiin Laftagareen isla markaasna dadka Koonfur Galbeed-na go’aasan doonan masiirkooda.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here