Boqortooyada Saudi Arabia ayaa cambaareysay weerarka Isbitaalka Gaza ee Israel oo ay ku tilmaantay dambi aad u fool xun oo aan la abqali karin.
Saudi Arabia ayaa falkan ku tilmaantay dambigii foosha xumaa ee ay geystaan ciidamada Israa’iil iyagoo duqeeyay isbitaalka al-Ahli ee Gaza sida Wasaaradda arrimaha dibadda ee boqortooyada ayaa bayaan ku sheegtay.
Dhanka kale, Boqorka Urdun Cabdalla ayaa sheegay in weerarka oo ay ku dhinteen boqolaal qof uu ahaa “xasuuq” iyo “dambi dagaal” oo aan laga aamusi karin.
Bayaan ka soo baxay boqortooyada ayuu boqorku ku sheegay in Israa’iil ay tahay inay si degdeg ah u joojiso dagaalka ay kula jirto gobolka, waxaana uu ku tilmaamay ficilada Israa’iil ee ka dhanka ah Falastiiniyiinta aan waxba galabsan iney yihiin kuwo ceeb ku ah bini’aadantinimada”.
Ra’iisul wasaaraha Canada Justin Trudeau ayaa isna cambaareeyay weerarkii ka dhacay isbitaalka Al-Ahli Arab ee Gaza isagoo hadallo kooban siiyay warfidiyeenka.
“Wararka ka imaanaya Gaza waa mid argagax leh oo aan gabi ahaanba la aqbali karin. Sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada iyo kuwa caalamiga ah wuxuu u baahan yahay in la ixtiraamo arrintan lama aqbali karo,” Trudeau ayaa ka sheegay Ottawa.
“Waxaa jira shuruuc ku saabsan dagaallada, lamana aqbali karo in isbitaal lagu dhufto.” ayuu intaas raaciyey RW Canada.
Raisulwasaaraha Falasiintiin Ismaciil Haniya“Mareykanka iyagaa leh masuuliyada weerarka Isbitaalka sababtoo ah hubka Israel ay ku gumaaday shacabkeena iyagaa siiyay ” .
Madaxweynaha Falastiin Cabbaas”Waxaan ugu baaqaynaa shacabka inay midoobaan oo ay isku duubnaadaan sababtoo ah xilligan adag.”
Wuxuu intaa ku daray , inay si adag uga hortagi doonaan damaca Israa’iil ee ah in dadku banneeyaan Qaza. Tan iyo inta uu dagaalka billowday waa markii u horreysay ee Cabbaas hadallo ka dhan ah Israa’iil uu jeedinayo, sidoo kalena halka ay Xamaas iyo dhaqdhaqaaqyada kale ee ah in la iska qaado ‘kuwa soo duuley’ uu ku dhinac istaago.
Madaxweynaha Ruushka oo la hadlay Xoghaya QM iyo qaar kamida Dowladaha Carabta ayaa ugu baaqay inay garaan Go’aan dagdag oo looga jawaabayo Xaalada Gaza
Madaxweynaha Ruushka oo la hadlay Xoghaya QM iyo qaar kamida Dowladaha Carabta ayaa ugu baaqay inay garaan Go’aan dagdag oo looga jawaabayo Xaalada Gaza
Bogga Facebook ee Masaajidka Mecca ayaa la saaray Sawir Madow, taaso lagu muujinayo waxa caawa ka dhacay Falastiin.

