Maamulka Puntland ayaa si kulul kaga hadlay go’aankii uu qaatay Hogaamiyaha SSC khaatumo State ee ku aadanaa Xildhibaanadda laga soo dooranayay Goboladda Sool iyo Sanaag.
Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) hogaamiyaha Khaatumo ayaa sheegay in Xildhibaanadda laga soo dooran jirey Sool iyo sanaag ee Puntland ku jirey aan sanadkaan laga soo dooran doonin.
Wasiir ku-xigeenka Arrimaha-gudaha, Maxamed Musadaq oo qoraal soo dhigay bartiisa facebooka ayaa sheegay in hogaamiye Cabdidiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) hogaamiyaha Khaatumo State uu qaatay go’aan aan laga fiirsanin.
“Fudeed Siyasadeed, qofka siyaasiga ah waa in uu miisaamaa hadalkiisa uuna Ka digtoonaadaa inuu ku degdego waxyaalo aan wali waqtigeedii la gaadhin”, ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka Arrimaha-gudaha, Maxamed Musadaq.

