Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) oo khudbad ka jeediyay Madal ay soo agaasintay Machadka Heritage ayaa si furan uga jawaabay su’aalahii la weydiiyay eek u aadanaa dhismaha Khaatumo State.
Khudbadda Hoggaamiyaha ayaa u badnayd ka hadalka Sooyaalka siyaasadeed ee deegaannada SSC-Khaatumo, ka warbixinta dagaalkii Soomaliland ku soo qaadday dadka deegaanka iyo khasaarihii ka dhashay, dhismaha maamulka SSC-Khaatumo, iyo qorshayaasha hortebinta u leh Maamulka SSC-Khaatumo.
Hoggaamiyaha ayaa sidoo kale ka hadlay arrimo ay ka mid ahaayeen in Maamulkiisu u diyaarsanyahay in uu nabad kula noolaado derisyadiisa, islamarkaanu uusan duullaan iyo dagaal cidna ku ahayn.
Hogaamiyaha SSC-Khaatumo Firdhiye ayaa dhanka kale ku dhawaaqay in aysan dadka SSC soo xuli doonin 17-kii Xildhibaan ee PL doorashadeeda ka qeybgali lahaa.
Waxa uu sheegay Hoggaamiye Cabdiqaadir Aw-Cali in odayaashii soo xuli jirey xildhibaanadda ay go’aansadeen in aan laga qeyb galin doorashadda Puntland ee soo socoto.
“Dadka ka soo jeeda SSC, doorashada soo socota ee Puntland kama qayb gelayaan, dadka deegaanka ayaa sidaa go’aansaday, odayaashii soo xuli jiray ayaana go’aankaa qaatay” ayuu yiri.
“Puntland wax baan ka dhisanahay waana kamid ahayn, 17 sano ayaa gacanta Puntland uu deegankayagu ka maqnaa, Garoowe sokedeeda ayay Soomalilaan soo gaadhay. Mamaulkii Puntland ee ana kamid ahaydn kuma guulaysan in ay deegankayagii soo celiso.
Firdhiye wuxuu sheegay qof kaste oo kasoo jeeda SSC, oo xil ka haya maamulada kale in matalaadiisu ay tahay wax isaga ku kooban.
6-dii feb 2023-kii Isimadda SSC ayaa soo saaray in aysan ka mid aheyn maamulada Puntland & Somaliland, oo ay toos u hoos-tagaan dawladda Faderaalka, go’aamadaas waxaa soo dhaweeyay madaxweynaha Puntland, Siciid Deni, ku-xigeenkiisa Axmed Karaash iyo siyaasiinta Puntland.

