Ciidamadda Dowladda oo La Wareegay Magaalooyinka Bacaadweyn, Camaara iyo Qaycad

0

Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed,kuwa Daraawiishta Maamulka Galmudug iyo kuwa Deegaanka ayaa saakay la wareegay magaalooyinka Bacaadweyn, Camaara iyo Qaycad ee Gobolka Mudug.

Ciidamadaan oo saakay aroortii ka baxay deegaanka Qodqob ee Duleedka Camaara Ayaa saakay waxaa u suurta gashay in ay Al-shabaab kala wareegaan Magaalooyinka Bacaadweyn, Camaara iyo Qaycad.

Magaalooyinkaan waxaa ka dhacay dagaalo dhaxmaray Ciidamadda is abaabulay iyo dagaalyahano ka Tirsan Xarakadda Al-shabaab,iyo duqeymo lala beegsaday Madaxda Al-shabaab.

Saraakiil ka tirsan Dowladda ayaa sheegay in Al-shabaab ay ay isku dayeen in Ciidamadda Dowladda iyo kuwa Dadka Deegaanka ay dagaal kala hor yimadaaan balse lagu jabiyay,islamarkaana deegaanka ay ku sugan yihiin haatan Ciidamada Dowlada iyo kuwa Deegaanka.

 

Qoraal kasoo baxay Dowladda  Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay si buuxda ula wareegeen magaalooyinka Bacaadweyn, Camaara iyo Qaycad ee Gobolka Mudug.

 

“Ciidamada Xoogga dalka, Daraawiishta Galmudug iyo Xoogagga Difaaca Shacabka ayaa saaka howlgallo sifayn ah waxay ka wadaan magaalooyinka Bacaadweyn, Camaara iyo Qaycad,meelaha qaar Al-shabaab waxay isku dayeen inay hor istaagaan awooda geesiyaasha Qaranka laakiin waa lagu jabiyay, ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Dowladda Soomaaliya.

 

Ciidanka Dowladda iyo geesiyaasha dadka deegaanka ayaa shalay galinkii dambe Al-shabaab kala wareegay deegaanka Qodqod ee ku yaala duleedka Camaara,waxayna Ciidamadda xalay ku hoydeen deegaanka Qodqod.

 

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Galmudug ayaa guulo la taaban karo ka gaaray maalmihii dambe dagaalada ka socda Goboladda Mudug iyo Galgaduud,oo Al-shabaab muddo sanado ah ay ku sugnaayeen.

 

Ciidamadda huwanta ayaa la wareegay Ceel-lahelay oo dagaal xoogan ay ka dhaceyn jimcihii, deegaanka Laas-gacamey oo qaraxyo lagu khaarijin lahaa Madaxweynaha Galmudug iyo mas’uuliyiin kale ay ka dhaceyn jimcihii.

 

Ciidamadda ayaa shalay la wareegay Deegaanka Qodqob ee Duleedka Magaaladda Camaara,waxaana halkaas sidoo kale shalay ka dhacay dagaal iyo duqeymo lala beegsaday dagaalyahaadda Al-shabaab.

 

Qorshaha dagaal ee dowladda Soomaaliya ayaa u muuqda mid gaba-gabo ku dhow dhanka Goboladda Mudug iyo Galgaduud,oo Al-shabaab lagala wareegay Magaalooyinka, Deegaano iyo Tuulooyin sanado badan ay ku sugnaayeen.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here