Somaliland oo Sheegtay in Al-shabaab Fara Badan Soo Galeyn Laascaanood

0
Armed members of the militant group al-Shabab attend a rally on the outskirts of Mogadishu, Somalia Monday, Feb. 13, 2012. Thousands of Somalis gathered at a militant-organized demonstration on the outskirts of Mogadishu on Monday in support of the merger of the Somali militant group al-Shabab with al-Qaida, which was announced last week by al-Qaida leader Ayman al-Zawahri. (AP Photo)

Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in sarkaal ka tirsan Al shabaaab oo hoggaaminaya 600 oo dagaalyahan uu yimid magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool.

 

Qoraal ay baahisay Wasaarada Arrimaha Dibada Somaliland, ayaa lagu sheegay in dagaalyahano xagjir ahi ay soogaadheen magaalada Laascaanood.

“Ciidamada Amaanka ee Xukuumada Somaliland waxay xaqiijiyeen in ku dhawaad 600 dagaalyahan oo uu hoggaaminayo Fu’aad Maxamed Qalaf (Shanqoole) oo ah mid kamid ah hoggaamiyaasha Al Shabaab ay Laascaanood soo galeen” ayaa lagu yiri qoraalka.

Somaliland waxay sheegtay in Shanqoole uu doonayo in uu saldhig ciidan ka samaysto buuralayda gobolka Sanaag, waxayna sheegtay in bilihii lasoo dhaafay  ay kor u kaceen dadka la qorayo ciidamada iyo fidinta fikradaha xagjirnimada.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here