Dowladda Soomaaliya oo Ka Hadashay Dhul Gariirkii ku Dhuftay Moroco

0

Dowladda Soomaaliya ayaa waxay ka tacsiyeysay musiibada ka dhalatay dhul gariirka ku dhuftay dalka Morroco, kaas oo cabirkiisa lagu qiyaasay 7.2 Richter.

 

Fiidnimadii xalay gobollada iyo maamullada Al Haouz, Marrakesh, Ouarzazate, Azilal iyo Chichaoua, iyo Taroudant ee Morroco, ayuu ku dhuftay dhul gariiskaan oo ay ku dhinteen in ka badan 800 oo qof, iyadoo ay ku  dhaawacmeen tiro intaas ka yar. Sidoo kale dad ayaa weli lagu la’yahay dhismayaasha burburay hoostooda.

“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay muujineysaa inay si buuxda u garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Boqortooyada Morocco.” ayaa lagu yiri war saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Dhul-gariirkan waa midkii ugu khasaaraha badnaa ee dalkaas ka dhaca in ka badan lixdan sano. Inta badan waddamada adduunka ayaa farriimo kala duwan oo baroor diiq ah u diray dowladda Morroco.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here