Hay’adda ICRS oo Shaacisay Khasaaraha Ka Dhashay Dagaalkii Laascaanood

0

Hay’adda caalamiga ah ee Laanqayrta Cas (ICRC) ayaa sheegtay in 43 mayd laga soo ururiyey toddobaadkii lasoo dhaafay jiidda hore ee dagaalladii ugu dambeeyey ee ka dhacay magaalada Laascanood.

 

Qoraal ka soo baxay ICRC ayaa lagu sheegay in Somaliland iyo xoogagga SSC-Khatumo ay dagaalka ku kala qabsadeen boqolaal maxaabiis ah, iyadoo ICRC ay soo booqatay 300 oo maxbuus oo xooggaga Khatumo ay qabteen,waxa ayna xustay hay’adda in maxaabiista ku jiraan kuwa dhaawacyo qaba.

 

 

Hay’adda ICRC ayaa sheegtay in muhiim tahay in maxaabiista lakala heeso loola dhaqmo si bini’aadannimo ku jiro, sidoo kale helaan cunto iyo biyo lagana ilaaliyo in lagula kaco tacadiyo ka dhan ah bini’aadannimada.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here