Madaxweyneynihii Hore ee Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed ayaa si kulul kaga hadlay dagaalkii shalay ka dhacay Deegaanka Coosweyne ee khasaaraha kasoo gaaray Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed.
Dagaalyahano ka Tirsan Al-shabaab ayaa weerar qaraxyo ku bilowday ku qaaday Deegaanka Coosweyne oo hoos yimaada Deegaanka Ceeldheere ee Gobolka Galgaduud.
Weerarkaan ayaa lagu tilmaamay mid qorshaysnaa islamarkaana khasaare xoogan uu soo gaaray ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed oo deegaankas dhawaan kala wareegay dagaalyahanadda Xarakadda Al-shabaab.
Shariif Sheikh axmed oo qoraal soo saaray ayaa si kulul kaga hadlay weerarka oo khasaare xoogan lagu gaarsiiyay Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed ee deegaankaas ku sugnaa.
“Waxaan tacsi u dirayaa ehellada ciidamadii iyo saraakiishii ku geeriyooday weerarkii Al-Shabaab ku qaadday deegaanka Cowswayne. Waxaan ilaahay SWT uga baryaynaa inuu u naxariisto geesiyaasha naftooda u huray difaaca dalkooda, dadkooda iyo diintooda.
Madaxweyne Hore Shariif Shiikh Axmed ayaa dalbaday In baaritaan madax banaan lagu sameeyo weerarkaan dhacay,islamarkaana dayaca la sameeyay qof dusha loo saaro.
“Waxaan ku baaqayaa in baaritaan madax bannaan lagu sameeyo qaabkii loo maareeyey weerarkii argagaxisadu ku qaadday deegaanka Cowswayne, waxaan si gaar ah ugu baaqayaa guddiga difaaca ee BFS inuu baaris dhab ah ku sameeyo sidii weerarkaas ciidamada badan nooga baxeen u dhacay iyo saraakiishii u xil saarnayd aaggaas”, ayuu yiri shariif sheikh Axmed.
Dhinaca kale waxaan bogaadinaynaa ciidamada xoogga dalka ee ku guuleystay dib u xoraynta degmada qadiimiga ah ee Ceelbuur iyo deegaannada kale ee hoos taga gobolka Galgaduud.

