Al-shabaab oo Sheegay in Dagaalkii Deegaanka Coosweyne Ku Dileen 178-askari

0

Al-Shabaab ayaa guulo ka sheegtay dagaalkii ka dhacay Deegaanka Coosweyne ee Gobolka Galgaduud.

Weerarka ayaa ku billowday qaraxyo is-miidaamin ah, waxaana kadib xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo xubnaha Al-Shabaab ee weerarka qaaday.

Al-shabaab ayaa sheegtay inay weerarkan kula wareegtay saddex saldhig oo ku yaalla halkaasi, isla-markaana ay qabsadeen hubkii iyo gaadiidkii yaalay halkaasi.

Sidoo kale waxa ay sheegeen inay dishay illaa 178 askari, sida ay ku sheegtay bayaanka ay soo saartay oo lagu baahiyay internet-ka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here