Puntland ayaa sheegtay in aysan waxba ka qusaynin go’aanka dowladda federaalka kasoo baxay, kaasoo lagu mamnuucay isticmaalka shabakadaha Tiktok, Telegram iyo 1XBET.
Wasirka warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir ayaa sheegay in go’aaanda kasoo baxay Dowladda federalka ay yihiin go’aano aan qusaynin shirkadaha isgaarsiinta Puntland.
“Marka laga heshiiyo sharuucda iyo siyaasada, canshuuraha dalkana la mideeyo, baa shirkadaha state-ka ka howlgalla Dowladda federalku ay amaro siin kartaa, ” ayuu yiri wasiirka warfaafinta maamulka Puntland.
Wasiirku wuxuu sheegay shirkadaha ka howlgalla Puntland inay amarka ka qaadanayaan maamulkooda. Wuxuu sheegay inay wadaan xeerka iyo siyaasada baraha bulshada ee Puntland. Wuxuu sheegay in dhawaan golaha baarlamaanka la horgayndoono.

