Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid C/laahi Deni ay ku kulmi doonaan Magaaladda Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.
Madaxweynaah Soomaaliya oo ku sugan Magaaladda Dhuusa-mareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug ayaa la sheegay in uu tagi doono Magaaladda Gaalkacyo si wada-hadal ula yeesho hogaamiyaha Puntland Saciid Deni.
Hogaamiyaha Maamulka Puntland Saciid Deni oo haatan ku sugan dalka Imaaraadka Carabta ayaa ka dagi doona Magaaladda Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.
Qaban-qaabadda kulanka Xasan iyo Deni ayaa maalmihii dambe laga dareemayay magaalada Gaalkacyo ay ku sugan yihiin wasiiro iyo Xildhibaano ka Tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Ilo kudhow labada dhinac ayaa xaqiijinaya jiritaanka kukankan oo lagu wado inuu bilow u noqdo wadahadal dhexmara labada madaxweyne oo ujeedkiisu yahay sidii xal loogu heli lahaa mad madow soo kala dhexgalay dowladda dhexe iyo maamulka Puntland.
Dowladda federaalka Soomaaliya oo dagaal adag kula jirta Al-Shabaab ayaa dooneysa iney hoos u dhigto xiisadaha kala dhexeeya maamul goboleedyada, iyadoo kulanka Xasan iyo Deni uu bilow u noqonayo sidii uu u soo noqon kahaa xiriirka labada dhinac oo xumaa bilihii lasoo dhaafay.
