Warar kala duwan ayaa laga helayaa dagaal u dhaxeeyay Ciidamadda Booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dagaalyahano ka Tirsan Al-shabaab oo xalay ka dhacay Degmadda Kaxda ee Gobolka Banaadir.
Xubno ka Tirsan Al-shabaab ayaa weerar dhowr jiho ahaa kusoo qaaday Degmada Kaxda,waxaana halkaas ka dhacay iska hor imaad u dhaxeeyay Ciidamadda boolis Malatari oo ku sugnaa Saldhiga Degmadda iyo dagaalyahanadda Xarakadda Al-shabaab.
Dadka deegaanka Degmadda Kaxda ee Gobolka Banaadir ayaa inoo sheegay in labadda dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan,islamarkaana ay cabsi soo wajahday shacabka Degmadda ku nool.
Dhanka kale waxaa jiray qarax miino oo lala eegtay gawaari gurmad ahaan ugu socday Degmadda Kaxda ee Gobolka banaadir,waxaana la xaqiijiyay dhowr askari ay dhaawacyo ay soo gaareen.
Xiliga la weeraray Saldhiga ayaa la sheegay in uu ku sugnaa Taliyaha Saldhiga iyo askar ka Tirsan Ciidamadda Boolis Malatariyo,lamana oga khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay dagaalkaan.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in sarkaal la shaqeynayay Taliyaha qeybta Booliska Mooshin uu dhaawac kasoo gaaray qaraxa lala eegtay gawaarida gurmadka ugu socday dagaalka ka socday Degmadda Kaxda.
Sidoo kale xubno ka Tirsan Al-shabaab ayaa weeraray baro-kontorool ay ku sugnaayeen Ciidamadda Dowladda Soomaaliya oo ku yaala Gubta iyo ceelasha biyaha kuwaasi oo laga ilaaliyo gudaha Magaaladda.
Dagaalyahanadda Xarakadda Al-shabaab ayaa sidaan oo kale weerar gaadmo ahaa ugu soo qaaday xarunta iyo saldhiga Degmadda Kaxda ee gobolka banaadir,waxayna xiligaas burburiyeen saldhiga iyo xarunta Degmadda.
Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Laamaha amaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya oo loogu hadlaayo dagaalka xalay ka dhacay Degmadda Kaxda ee Gobolka Banaadir.
Dagaalyahanadda Xarakadda Al-shabaab ayaa mudooyinkii dambe bilaabay weeraro gaadmo ah ay ku qaadayeen saldhigyadda ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

