DFS oo Sheegtay in Ciidamadda Xoogga Dalka ay Adeegsanayaan Diyaarado Dagaal

0

Wasaaradda gaashaandhigga dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in howlgalka lagu xoreynayo degaanada Galmudug ay ka qeyb galayaan markii ugu horreysay, ciidamada cirka Soomaaliya oo ay adeegsanaya diyaarado dagaal.

Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya, Gen, Cabdullaahi Cali Caanood ayaa sheegay in ay ciidamada Soomaaliyeed ay duqeynayaan xarumaha Alshabaab ay kaga sugan yihiin degaanada howlgalladu ka socdaan.

“Waxaan yeelanay ciidan cir iyo dhul oo xoog leh. Waxaa socda diyaaradihii ciidanka cirka Soomaaliya, oo dhallinyaro Soomaaliyeed ay waddo, oo sahminaya oo duqeynaysa. Waxaa jira ciidankii dhulka oo gaadiid badan wata,” ayuu yiri afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga.

Generaal Caanood wuxuu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay in Alshabaaab dalka laga xoreeyo, oo aan lagu dhaafin meelo yaryar oo ay ku dhuumaaleysanayaan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here