Faah-faahin:-Gudoomiye Waaxyeed Lagu Dilay Magaaladda Muqdisho

0

Kooxo hubeysnaa ayaa Degmadda hodan ee gobolka Banaadir waxa ay ku dileen xalay guddoomiyihii waaxda Daadsaney ee degmada Dayniile Ala ha u Naxariistee Cabdullaahi Yariisow.

Wararka ayaa sheegaya in Gudoomiyaha la dilay xilli uu kasoo baxay masaajid uu kusoo dukaday salaada cishaha oo gurigiisa meel ku dhaw ku yaallay, waxaana dilka kaddib goobta ka baxsaday ragii hubeysaa.

Ciidamo katirsan booliiska iyo nabad sugida ayaa goobta dilku ka dhacay gaaray, waxa ayna ciidamada halkaasi ka qaadeen meydka guddoomiyaha la dilay, waxa ay sidoo kale ciidamada bilaabeen baaritaano ay ku raadinayaan dadkii dilka geestay.

Guddoomiyahan caawa la dilay ayaa noqonaya kii saddexaad oo oo la dilo isaga oo ah guddoomiyaha waaxda  Daadsaney, waxaana guddoomiyihii ugu dambeeyay ee waaxdaasi oo la dilo uu ahaa Cabdi Juge Cabdulle Cismaan oo la dilay labo sanno kahor.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here