Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal u dhaxeeyay Ciidamo kawada Tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya oo xalay ka dhacay Degmada Dharkinley ee Gobolka Banaadir.
Dagaalka ayaa waxa uu dhexmaray ciidamo ka amar qaata Jeneraal Sheegow oo kamid ah saraakiisha Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo ciidanka Booliis Militaaro ee ka howgala gudaha magaaladda Muqdisho.
Daryahanka hubka culus ayaa xalay saacado badan laga maqlayay xaafafaha degmooyinka Dharkinley iyo wadajir ee gobolka Banaadir,waxaana jira khasaare dhimasho iyo dhaawac ka dhashay dagaalka xalay ka dhacay Magaaladda muqdisho.
Dagaalkan ayaa qarxay sida wararka ay sheegayaan kadib markii uu Jeneraalka diiday in uu Booliska ku soo wareejiyo laba askari oo loo heysto in ay dileen askari kale oo ka tirsan ciidamada Booliska Milateriga/Boliis Militari.
Jeneraal Sheegow ayaa kamid ah saraakiil dhowr ah oo ka qeyb gashay dagaalo Al-shabaab loogu saaray Magaalada Muqdisho iyo Gobolka Shabeelaha Hoose.
Intaas kadib Ciidamadda Boolis Malatario ayaa weeraray guriga Jeneraal Sheegow oo kamid ah saraakiisha Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed,waxaana halkaas ka dhacay dagaal xoogan oo saacado socday.
Goobta dagaalka waxaa gaaray Saraakiisha ugu sareysa booliska iyo Malatariga ee Dowladda Soomaaliya,waxaana lagu guuldareystay in la qabto ciidamadda u dagaalmayay jeneraal Sheegow.
Dhanka kale waxaa sidoo kale fashilmay qorshe ay doonayeen xildhibaano iyo saraakiil ka Tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay ku kala dhexgalaan Sarkaalka iyo ciidamadda dowladda ee dagaalamay,balse waxa la sheegay in uu fashilmay qorshahaas.
Ilaa haatan si dhab ah looma oga khasaaraha ka dhashay dagaalka ka dhacay xalay Degmadda Dharkinley,ee soo kala gaaray Ciidamadda kawada tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya.
Dowladda Federaalka Soomaaliya,gaar ahaan Hay’adaha amaanka ayaa ilaa xiligaan ka hadlin dagaalka xalay ka dhacay Degmaddda Dharkinley oo cabsi badan ku abuuray shacabka Caasimadda ku nool.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in Dowladda ay doonayso in saakay awood ciidan loo adeegsado Guriga Jeneraalka si gacanta loogu soo dhigo askar eedeysan iyo kuwa xalay dagaalamay.
