Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug ayaa shaaca ka qaaday in dowladdiisa ay diyaarisay qorshe looga adkaan karo Al-shabaab.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in Al-shabaab looga adkaan waayay dagaalka Militariga kaliya, sidaas darteed ay dowladiisa haatan dajisay sadax tiir oo muhiim u noqonaya in lasoo afjaro dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.
“Sababta ugu weyn ee dagaalka Al-Shabaab loo dhaqaajin waayay waxay aheyd siyaasad dowlad Soomaaliyeed ay leedahay oo lagula dagaalamayo Shabaab oo aad u qeexan oo cad ma aanay jirin, marka waxa noo soo baxday in Al-shabaab dagaal milatari kaliya ku filneyn oo loo baahan yahay qorsheyaal kale, iyadoo dagaalka milatariga aan la joojineyn oo sii xoojinaayo, waxaa soo dajinay siyaasad sadex tiir ku saleysan oo ah tii milatariga aheyd in lasii wado iyo in dagaal fikri lala galo kooxda iyo tiirka sadexaad oo ah dagaalka dhaqaale” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweynaha ayaa xusay in shacab hadii ay go’aan gaaraan wax waliba oo ka maqan ay gacantooda ku heli karaan, wuxuuna ugu baaqay dadka Soomaaliyeed in la joogo waqtigi ay gacantooda isaga xureyn lahayeen kooxda Al-shabaab.

