Saciid Deni:-“Doorashada Puntland Waxay Ku Dhacaysaa Wakhtigeeda 8 January”,!

0
Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa Qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe kaga qeybgalay Xafladda 1-da August ee xuska sanad guurada 25-aad ee aasaaskii Puntland.
Madaxweynaha ayaa u hambalyeeyay Shacabweynaha Puntland dal iyo dibad meeshay joogaan, wuxuuna xusay in Puntland Dadkeedu ay dadaal kusoo bixiyeen in ay soo gaarto maanta meesha la joogo iyo horumarka socda .
Wuxuu Madaxweynuhu la wadaagay Bulshada in Doorashada ay wakhtigeeda ku dhici doonto Iyadoo aysan jirin wax muddo kordhin ah, Laguna tartamayo nidaamka dimuqraadiyadda oo Hadda Puntland ay Doorasho uga dhacday hal qof iyo hal cod 33 degmo.
Madaxweynaha ayaa u hambalyeeyay Bulshada Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn midnimada iyo Isku duubnida ay muujiyeen iyo halgankooda taariikhiga ah ee ay ugu dagaalamayaan masiirkooda.
Waxaa munaasabadda Madaxweynaha kala qeybgalay Madaxweyne Ku-geenka  Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoonka Golaha Wakiillada DPL, Golaha Garsoorka, Marwada Koowaad ee Puntland, Goleyaasha , Ururada Siyaasada , Qunsuliyada Ethiopia, Maamulka Gobolka Nugaal iyo kan Degmada Garoowe, Waxagaradka , Qurbojoog, Aqoonyahanka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada .

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here