Dowladda Soomaaliya oo Sheegtay in Howlgal lagu Burburiyay Fariisin Al-shabaab

0

Howlgal lagu burburiyey fariisin ay lahaayeen Al-shabaab, gadiid iyo saanad ciidan ayaa ciidanka Qaranka oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah waxay ka fuliyeen deegaanka Sigato oo hoos taga degmada Ruunnirgood ee Gobalka Shabeellaha dhexe.

Howlgalkaan ayaa khasaare xoog leh waxaa lagu gaarsiiyay Al shabaab sida ay warbaahinta dowlada sheegtay.

Weli wax faah-faahin dheeraad ah iyo khasaaraha dhabta ah ee howlgalkaan lama shaacin.

Maraykanka oo inta badan dhanka duqeynta ka caawiya ciidanka dowlada ayaa iyagu shaaciya hawlgaladooda noocaan ah maalmo kadib.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here