Saraakiil,Iyo Gaashaanle Sare Loo Xiray Qaraxii Kuliyadda Jaalle Siyaad Muqdsiho

0

Laamaha amaanka Dowladda Federaalka  Soomaaliya ayaa xabsiga dhigay seddex sarkaal oo lagu eedeeyay in ay wax ka ogaayeen qaraxii dhawaan ka dhacay kuliyadda Jaalle Siyaad Magaaladda Muqdisho.

Saraakiishaan oo magacyadooda la shaacinin ayaa la sheegay in loo xiray tuhun la xiriira qaraxa uu fuliyay nin isku soo xiray waxyaabaha qarxa.

Ugu yaraan 30 askari ayaa ku dhintay, in ka badan 70 kalena waa lagu dhaawacay weerarkaas ismiidaaminta ahaa. Waxaana laga cabsi qabaa inay sii kororto khasaaraha dhimashada, iyadoo qaar ka mid ah askarta dhaawaca ah ay xaaladoodu liidato.

Madaxda Dowladda Soomaaliya oo ka hadlay qaraxa ka dhacay Kuliyadda Jaala Siyaadd ayaa amar ku bixiyay in baaritaan la sameeyo,islamarkaana lasoo qabtay ragii fududeeyay qaraxa.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here