Siyaasiyiinta mucaaradka Puntland ayaa ku hanjabay inay doorasho gaar ah qabsanayaan siddeeda january 2024, haddii uu Madaxweyne Deni isku dayo inuu muddo kororsi sameeyo.
Wasiirkii hore ee maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal oo kamid ah mucaaradka ugu weyn madaxweyne Deni, ayaa ku eedeeyay Deni inuu baarlamaanka ku aamusiyay laaluush.
Xasan Shire waxa uu sheegay tallaabadii uu shalay qaaday baarlamaanku inay ahayd sharci ku tumasho iyo in madaxweyne Deni uu rabo inuu masiirka Puntland ka dhigo wax uu sida uu doono u maamulanayo, isagoo ka digay cawaaqibka xumada ka dhalan kara tallaabooyinka uu qaadayo.

