Qaraxyo La Maqlay Magaaladda Muqdisho,Taliska Booliska oo Ka Hadlay

0

Warar kala duwan ayaa laga helayaa dhawaqa qaraxyo xalay laga maqlay Magaaladda Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Dhawaqa qaraxyadda ayaa cabsi badan galiyay shacabka magaaladda muqdisho,kuwaasi oo u qaatay in goob la weeraray.

Balse Taliska Booliska Soomaaliyeed oo ka hadlay arintaan ayaa sheegay in qaraxyadda la maqlay ay ahaayeen dabri ay sameynayeen Ciidamadda Booliska Soomaaliyeed, oo tababar ku qaadanayay meel ku dhow garoonka aadan cadde.

“Ummadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Caasimada iyo nawaaxigeeda, Dhawaqa iyo Sharqanta jugta ee laga maqlayo qeybo Magaalada ka mid ah, ma ahan wax lid ku ah Amniga iyo Xasiloonida. Sidaas daraaded, yaan loo qaadan qatar Amaan” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo uu soo saaray booliska.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here