Faah-faahin:-Qarax Lagu Dilay Sarkaal oo Ka Dhacay Magaaladda Jowhar

0

Warar kala duwan ayaa laga helayaa qarax ka dhacay Magaaladda jowhar ee Caasimadda Maamulka Hir-shabeelle.

Qaraxaan ayaa la sheegay in la galiyay dhulka islamarkaana lala eegtay sarkaal ka tirsanaa Ciidamadda Dowladda Hoose ee Magaaladda jowhar.

Sarkaalka qaraxa lagu dilay ayaa lagu magacaabi jiray Daahir Maxamed Kaanti, kaaso u geeriyooday dhaawac culus oo kasoo gaaray qaraxa oo aan wali noociisa si rasmi ah loo xaqijjin.

Dhanka kale Ilaa haatan ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyadda qaraxa ka dhacay magaaladda Jowhar.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here