Gudoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan, haatana ah Madaxweynaha KMG ah ee Hiiraan State Cali Jeyte Cusmaan ayaa markii ugu horeysay ka hadlay arrimaha ay isku qabteen Madaxweynaha Hir-shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen Taasi oo keentay in xilkii laga qaado.
Isagoo warbaahinta kula hadlay magaaladda Baladweyne ayuu sheegay in Madaxweynaha Hir-shabeelle iyo isaga dadka si kale u dhigeen waxa la isku qabtay,balse qodobka la isku qabtay uu yahay dagaalka Al-shabaab.
Waxa uu sheegay in Madaxda Hir-shabeeelle uu Cali Guudlaawe u weyn yahay aysan daacad ka aheyn dagaalka Al-shabaab,islamarkaana jilaafooyin badan loo dhigay intuu hogaaminayay dagaalka Al-shabaab loogu saaray Degmooyin badan oo ka tirsan Gobolka Hiiraan.
Sidoo kale waxa uu sheegay Gudoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan in mas’uuliyiin badan xilalka ka qaaday Guudlaawe kuwaasi oo qeyb ka ahaa dagaalka ka dhan ah Al-shabaab.
Dhanka kale Gudoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan ayaa ka hadlay wararka ku aadan in loo diiday in uu yimaado magaaladda muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, madaama uu maqli waayay talooyinka Madaxda Dowladda,sidoo kala casuumaad uu usoo direy Xasan Shiikh Maxamuud.
Waxa uu sheegay in xili walba uu tagi karo Magaaladda Muqdisho,isagoo hubkisa wata,aysan jirin cid ka hortaagi karta caasimadda dalka.
Ugu dambeyntii Gudoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cali Jeyte ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh maxamuud in uu yahay Madaxweynihii isku xiray 2016-kii laba Gobol aan dadkiisa israbin,sidaas darteed maanta loogu baahan uu kala furo madaama taladda dalka uu hayo.
Tan iyo markii xilka laga qaaday Gudoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cali Jeyte wuxuu Magaaladda Baladweyne kaga dhawaaqay Maamul La Magac-baxay Hiiraan State wuxuuna Hir-shabeelle ku tilmaamay shirkadd qof leeyahay.

