Siyaasiyiin kasoo jeeda Jubbaland oo magalaada Nairobi shir ku yeeshay ayaa waxay ku dhawaaqeen Midowga musharraxiinta madaxweynaha ee maamulka Jubbaland.
Midowga musharraxiinta Jubbaland ayaa bayaan ay shirkoodii ugu horreeyay kasoo saareen, waxay dowladda federalka ku eedeeyeen inay sharci daro ku taageerayso madaxweyne Axmed Madoobe.
Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Jubbaland ahna senator katirsan aqalka sare, Cabdullaahi Sheikh Ismaaciil Farataag oo katirsan midowgan, ayaa sheegay dowladda federalku inay cadaadis ku saarayso maamulka u jooga Gedo inay si khasab ah kula shaqeeyaan maamulka Axmed Madoobe.

