Wasiirka Amniga XFS Dr Maxamed Cali Doodishe ayaa Mudane Axmed Siciid Maxamed u Magacaabay Agaasimaha KMG ah ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Agaasimihii hore ee Hey’adda C/qaadir Cilmi Cali (Cabdul) ayaa dhowaan ka mid noqday 18 xubnood oo Xeer Ilaalinta qaranku ku eedeysay musuq maasuq iyo lunsasho hanti dadweyne.
Cabdul ayaa War saxaafadeed uu soo saaray isku casilay, isagoo dalka ka maqan wuxuuna xusay inuusan sameyn nin wax qalad ah, eedeynta loo jeediyeyna ay tahay dano gaar ah laga leeyahay.

