Faah-faahino:-Dagaal Ka Dhacay Duleedka Magaaladda Beledweyne

0

Magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan wararka ka imaanaya ayaa sheegaya in haatan uu dagaal culus ka socdo tuulooyin hoostaga deegaanka Baardheere oo qiyaastii Baledweyne kaga beegan dhinaca Koonfureed ilaa 22 KM.

Dagaalka ayaa u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kuwa dib u xureynta deegaanka oo dhinac ah iyo kuwa Al-shabaab, waxaaa dagaalka uu yimid kadib markii ciidamada is garabsanaya ay howlgalo ka dhan ah Shabaab ay saakay dib uga bilaabeen deegaanada dhaca Koonfurta Beledweyne.

Dagaalka xoogiisa ayaa lasoo warinaya inuu ka socdo Waadiga lagu magacaabo Tabantaab iyo Maxamed Xasan, waxaana hubka labada dhinac ay isku adeegsanayaan laga maqlaya meelo ka fog fog halka uu ka socdo dagaalka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here