Wasiirka Maaliyadda oo Shaqo Ku Joojin Ku Sameeyay Laba Xubnood

0

Digreeto kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Soomaaliya Dr Cilmi Maxamuud Nuur, ayaa waxaa shaqo joojin loogu sameeyay Xisaabiyaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Maxamed Cabdiraxmaan Anas, waxaana xilkii uu hayay si Kumeel gaar ah loogu magacaabay Xisaabiye ku-xigeenka Cabdirizaaq Maxamed Abuukar.

“Habdhaqanka iyo falalka la lidka ku ah danta qaranka, nidaamka iyo maamulka Wasaaradda, oo ay ka mid yihiin, Curyaaminta khash bixinta oo waqtiyeysan oo uu xisbaaiyaha guud si bareer ah u sameeyay, inuu si ula kac ah u damiyay Systam-kii SFMIS, ee ay ku shaqeynayeen Waaxda Canshuuraha, iyo inuu aaday fasax dibadeed isaga oo aan cidna ogeysiin”, ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Xafiiska Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Soomaaliya

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here