Al-shabaab oo Ku Hanjabay in Ay Qarxinayaan Masaajidyadda Dalka

0

Al-shabaab ayaa ku hanjabay in ay qaraxyo la beegsan doonaan qaar kamid ah Masaajidda ku yaala dalka ee laga soo abaabulo weerarada lagu qaado Saldhigyadda Al-shabaab.

Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe ee Al-shabaab Shiikh Yuusuf Ciise Kaba-kutukade oo la hadlayay warbaahinta Al-shabaab ayaa ka hadlay sababta ay dhawaan u beegsadeen Masaajid ku yaala Deegaanka Daarul Nicma ee hoos yimaadda Degmadda Ruun-nirgood ee Gobolka Shabeelaha Dhexe,kaasi oo qaraxyo lagu burburiyay.

Waxa uu sheegay in dhulka masaajidkaas laga dhisay uu sadaqeystay nin la yaqaano,balse markii dambe laga dhigay goob ay qaadka ku cunaan Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Maamulka Hir-shabeelle.

Sidoo kale waxa uu sheegay in weerarkii ugu dambeeyay ee lagu qaaday gobolka Shabeelaha Dhexe halkaas ugu tageyn askar ka Tirsan Dowlada Soomaaliya iyo kuwa Hir-shabeelle.

Gudoomiyaha Gobolka Shabelaha Dhexe ee Al-shabaab Yuusuf Ciise Kaba-kutukade ayaa ku hanjabay in ay beegsan doonaan Masaajid walba oo dalka ku yaala ee laga soo diro fariimaha ka dhan ah Al-shabaab,ama askarta dowladda ku sugan yihiin.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka hadashay falka Al-shaabab sameeyeen ayaa ku tilmaamtay in Shabaab ay soo bandhigayaan halka diinta ka joogaan,marnaba hadey qarxinayaan Masaajidda.

Al-shabaab ayaa horey u qarxiyay Masaajidyo weyn oo ku yaalla degmada Buula-Burde ee Gobalka Hiiraan, Masaajidka Qaayib, iyadoo laga difaacay Masaajidka Baxdo ee gobolka Galgaduud, halka kuwa kale oo ku yaala deegaanada ay joogaana ay  xireen.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here