Baarlamaanka maamulka Puntland ayaa si rasmi ah furay dastuurka Puntland, si wax looga beddelo qodob ku saabsan tirada ururada siyaasadeed ee usoo gudbaya xisbi.
34 xildhibaan ayaa cod gacan taag ah ugu codeeyay in dastuurka la furo. Kaddib markii guddi gaar ah oo loo xilsaaray furista dastuurka ay baarlamaanka ka hor aqriyeen warbixin ay kasoo diyaariyeen furista dastuurka.
Hal xildhibaan ayaa diiday in dastuurka la furo.
Furista dastuurka oo ah arrin aad la isugu khilaafsan yahay, ayaa ujeeddadiisu tahay in la beddelo qodob dastuuri ah oo sheegaya in ururada usoo gudbaya xisbiyada ay noqdaan saddexda urur ee ugu codadka badan, balse wax ka beddelkan wuxuu oggolaanayaa inay soo gudbaan shanta urur ugu codadka badan.

