Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa ka qeybgalay xaflad loogu mahadcelinayo laguna dhiirigelinayo Bulshada Gaalkacyo, Sidii wanaagsaneynd ee ay taageerada ugu muujiyeen urur Siyaasadeedka KAAH iyo Waxqabadka taariikhiga ah ee Madaxweynuhu ku hoggaamiyey Puntland.
Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay Bulshada Gaalkacyo shaqadii wanaagsanayd ee ay soo qabteen, sida isdiiwaangelinta, qaadashada Kaararka codka iyo ka qeybgalka Ololaha iyo isu soo baxyada Doorashada, si gaar ah wuxuu uga mahadceliyey Cududii taageero ee Bulshadu u muujisay Ururka KAAH iyo Dowladda Puntland.
Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid C/laahi Deni ayaa sidoo kale sheegay in loo caqli celinayo siyaasiyiin uu ku tilmaamay in ay diiddan yihiin hirgelinta doorashooyinkan.
“Kuwa diiddan aragti dimuqoraaddiyadda iyo dowlad dhiskana waa in aan u caqli celino oo u dhimrino oo niraahno war dalku waa dalkiini” ayuu yiri Siciid Deni.

