Haweeney Magaaladda Muqdisho Ku Dishay Wiil Yar oo Eedo u Aheyd

0

Ciidamadda amaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gacanta kusoo dhigay haweeney la sheegay in ay dil arxan darro ahaa u geesatay wiil yar oo eedo u aheyd uu dhalay ninkeeda.

Booliska oo howlgal qorshaysan kusoo qabtay haweeneydaan ayaa sheegay in wiilka eedeyda u aheyd ay u geysatay jirdil xoogan,islamarkaana markii dambe u dhintay.

Booliiska ayaa sidoo kale soo bad baadiyay gabar kale oo la dhalatay wiilka ay dishay eedadiis, waxa ayna booliiska sheegeen in gabadha yar iyana jirkeeda ka muuqday dhaawacyo xooggan ay u geesatay eedadeed.

Taliska booliiska gobolka Banaadir ayaa sheegay in baaritaano ku wadaan haweeneyda dilka u geesatay wiilka yar, waxa ayna booliiska sheegeen in caddaalada la hor-geyn doono eedada arcanka daran ee dishay wiilka ninkeeda uga tagtay.

Aabaha dhalay caruurtaan la dhibaateeyay  ayaa la sheegay in uu ku noolyahay dalka dibadiisa,islamarkana caruurta ku biili jirey haweeneyda dhibka geysatay.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here