Wiil Wadaad ahaa oo Dil Aragagax ah Loogu Geystay Magaaladda Muqdisho

0

Wararka ka imaanaya Degmadda Kaaraan ee gobolka Banaadir ayaa ku waramaya in ciyaal weero ay xalay Degmadaas ku dileen, nin dhallinyaro ahaa oo ahaa Imaam Masaajid iyo wadaad dadka kutubada diiniga ah bara.

Wiilka la dilay ayaa lagu magacaabi jirey Sheekh Mowliid Macalin Cabdullaahi oo kamid ahaa wadaadada sida weyn looga yaqaan degmada Kaaraan, waxaana dilka aad uga naxay shacabka Kaaraan.

Ciyaalka weeradda ayaa la sheegay in ay wadaadka ay ka dhaceyn Mobil uu watay,ayna tooreyda ka galiyeen dhowr meel taasi oo keentay in uu goobta ku dhinto.

Ciyaalkii weerada ee dilka geestay ayaa goobta si deg deg ah uga baxsaday, waxaana goobta dilku ka dhacay gaaray ciidamo katirsan booliiska saldhigga degmada Kaaraan, kuwaa oo bilaabay howlgalo lagu baadigoobayo kooxda dilka geesatay.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here