Qodobadii kasoo baxay shirkii ka dhacay magaaladda Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya ayaa waxaa kamid ahaa in la xaliyo cabashadda Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid C/laahi Deni.
Saddex kamid ah madaxda dowladd goboleedyada dalka ayaa loo xil saaray in xal ka gaaraan tabashada Puntland iyo khilaafka kala dhaxeeya dowladda.
”Goluhu wuxuu isla gartay in guddi ka kooban Xubno ka mid ah Golaha Wadatashiga Qaran oo kala ah Cabdiaziz Xasan Maxamed , Axmed Cabdi Kaariye iyo Cali Cabdullaahi Xuseen loo diro Dowladda Puntland, si ay doorkooda uga qaataan wada-hadalada masiiriga u ah dhameystirka dowlad dhiska dalka” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka.
Madaxda saddexda dowladd goboleed ayaa la filayaa in ay gaaraan magaalada Garawe ee caasimada Puntland si ay wadahadal ula furaan madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo si weyn ugu careesan Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’isul Wasaare Xamse.

