Alle ha u naxariistee Nabadoon Cabdi Aadan Siyaad (Cabdi dheere) ayaa xalay lagu dilay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Nabadoonka ayaa la dilay xilli uu ka soo baxay masjidka Ramadaan oo uu ku soo tukaday Salaadda Maqrib, sida ay xaqiijiyeen goob joogayaal.
Dableydii dilka u geysatay Nabadoon Cabdi dheere ayaa goobta ka baxsaday.
Magaalada Galkacyo ee Gobolka mudug oo dhawrkii sano ee la soo dhaafay amnigeedu soo hagaagayay ayaa muddooyinkii dambe waxaa ku soo batay dilalka qorsheysan.

