Maxkamaddd ku taala dalka Tanzania ayaa xukun ku riday rag Burcad badeed Soomaaliyeed ah oo ka kooban 7 ruux oo horay ugu xakuna xabsi daa’in, kuwaas laga soo qabtay Badweynta “Indian Ocean” meel jaziirad ah oo lagu magacaabo Mafia oo ku taala dalka Tanzania sanadkii 2011-kii.
Ragaan burcad Badeeda oo horay u qirtay dambigooda ayaa ku xukunaay xabsi daa’in laga soo bilaabo xiligii lasoo qabtay oo aheyd 3-dii Oktoobar 2011-kii, waxayna ku jireen xabsiyo kala duwan oo ku yaala Tanzania muddo 12 sano ah, waxaana gacanta lagu soo dhigay iyagoo weerar burcad badeednimo oo hubaysan ku qaaday markab shidaal baare aha kana shaqaynayay biyaha Tanzania.
Safaaradda Soomaaliya ee Darusalaam, waxay qabanqaabisay shirkii ugu horeeyay ay isugu yimaadeen Safiirka safaaradda, diblomaasiyiinta, jaaliyadda Soomaaliyeed iyo haween u istaagay ka warqabka burcad badeedaan Soomaaliyeed si loo ogaado in dib loo furi karo dacwadooda, lana heli karo qareen difaaca.
24-kii Febraayo ayaa safaaradda iyo jaaliyadda waxaa lagu wargeliyay iney yimaadaan xabsi ku yaala magaalada Kibaha si ay u dhageystaan dacwadda loo haysto dhallinyarada Soomaaliyeed, halkaasoo ay isugu yimaadeen dacwad oogaha (Prosecutor), Boliska, Nabadsugidda, ciidamada Badda iyo qareenadii u doodayay burcad badeeda, dood dheer oo adag kadib ayaa la soo bandhigay codsiyo kala duwan oo Maxkamada u jeediyeen masuuliyiinta Safaaradda, Jaaliyadda Soomaaliyeed iyo ragga burcad badeeda naftooda oo la sheegay iney muujiyeen asluub wanaag mudadii 12 sano aheyd oo ay xirnayeen
Raga xukunka la qafiiyay ayaa magacyadooda lagu sheegay Nuur Adan Dhiblawe, Bashiir Yusuf Roble, Cabdiwaxid M. Cabdirahman, Farhan Cali Dahir, Muxsin Sheikh Xaji, Cumar Nur Cali, Siid Cumar Mudeey, waxaana la sheegay in ragaan qaarkood xaalado Caafimaad daro oo sababay in midna lugta looga jaray, midna uu ku dhaga beelay iney la kulmeen mudada 12 sano ay xabsiga ku jireen.

