Faah-faahin;-Qarax Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax saakay xiligii salaadda subax ka dhacay Magaaladda muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Jugta qaraxa oo laga maqlay degmooyin ka Tirsan magaaladda Muqdisho ayaa ka dhacday agagaarka isgooska Bakaaraha ee Magaaladda Muqdisho.

Sida nalo xaqiijiyay qaraxa oo ahaa miinadda dhajiska ayaa lagu xiray sandaqad lagu iibiyo waxyaabaha maanka dooriya oo ku taalay hareeraha isgoyska bakaaraha.

Dhanka kale Ciidamo katirsan booliiska oo ku sugnaa isgooska Bakaaraha ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, waxa ayna ciidamada halkaasi ka sameeyeen baaritaano, lamana soo sheegin ilaa hadda khasaaro nafeed oo qaraxa ka dhashay.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here