Dagaal xooggan oo muddo daqiiqado ah socday ayaa xalay ka dhacay isgooska Siinay ee Magaaladda Muqdisho.
Dagaalka ayaa u dhaxeeyay ciidamo isugu jiray nabad sugid iyo booliis oo ku sugnaa bar-koontarool iyo ciidamo la socday guddoomiyaha degmada Yaqshiid.
Sida aan wararka ku helnay dagaalka ayaa ka dhashay is fahmi waa labada ciidan soo kala dhax galay, waxaana xilligaas kaddib ciidamada halkaasi ku dhax maray dagaal culus oo la isku adeegsaday hub kala duwan.
Goobjoogayaal ayaa ku waramay in dagaalka oo daqiiqado socday halkaasi ka qarxay xilli goobta ku sugnaayeen shacab badan, waxaa sidoo kale laamiga marayay gaadiid iyo mootooyinka bajaajta.
Ku dhawwaad shan qof oo shacab ah ayaa dagaalka ku dhintay, waxaana dadka dhintay ku jira wiil iyo gabar hal mooto wada saarnaa ,kuwaa oo ay haleeshay rasaastii labada ciidan ay is dhaafsanayeen.
Dagaalka ayaa sidoo kale la sheegay in ay ku dhaawacmeen dad kale oo shacab iyo ciidan isugu jira , waxaana dadka ku dhaawacmay dagaalka ku jira guddoomiyaha degmada Yaqshiid ee dagaalka ku lugta lahaa.

