Dowaldda oo Sheegtay in uu Joogsaday Barmaanijkii Dhaqan Celinta Al-shabaab

0

Wasaaradda Amniga Soomaaliya ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay uga jawaabeyso cabasho ka timid ciidanka ilaaliya iyo tababarayaasha ka howlgala xarunta lagu dhaqan celiyo dadka soo soo hara Al-Shabaab, xaruntaas ayaa hoos tagta wasaaradda amniga.

Xaruntaas oo lagu magacaabo (Xero Sarandi) ayaa waxaa lagu hayaan ugu yaraan 250 qof oo dhaqan celin u joogta halkaas, dadkaas ayaa siyaabo kala duwan uga yimid kooxaha argagixisada ah ee ka dagaalamaya dalka.

Shaqaalaha ka howlagala xaruntaas oo isugu jira tababarayaal iyo ciidan ilaaliya ayaan mushaar qaadan bilihii lasoo dhaafay, waxaana maalmihii lasoo dhaafay la faafiyey warar sheegayey in wasaaraddu ay u sheegtay in wax kharash ah aan loo heynin oo ay kala tagaan.

Wasaaradda Amniga ayaa hadda been abuur ku tilmaantay wararkaas, waxay cadeysay in deeqihii lagu bixi jiray mushaarka shaqalaha xaruntaas la jartay dhamaadkii 2022-kii, isla markaana uu dib u habeyn ku socdo nimaadka shaqo ee xarunta.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here