Magaaladda Laascaanood ee Gobolka Sool waxaa saakay dib kaga bilowday dagaalka u dhaxeeya ciidamadda maamulka Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka,kaasi haatan lugaha la galay 15-cisho.
Sida nalo xaqiijiyay,ciidamadda maamulka Somaliland ayaa weerar kusoo qaaday kuwa dadka deegaanka oo fariisin ku lahaa duleedka magaaladda Laascaanood,waxaa saakay magaaladda laga maqlayaa daryahanka madaafiicda iyo hubka culus.
Ilaa haatan si dhab ah looma oga khasaaraha dagaalka saakay dib kaga bilowday magaaladda Laascaanood.
Ciidamadda Maamulka Somaliland ayaa 15-maalmood oo xiriir ah madaafiic ku garaacaya Magaladda Laascaanood,waxay shalay duqeeyeen isbitaalka guud ee Magaaladda,kaasi oo burbur xoogan uu soo gaaray.
Dagaalka ka socda Magaaladda laascaanood ayaa u muuqda mid kasii daraya maalinba maalinta kasii dambeysay,waxaana dhinacyadda ku dagaalamaya magaaladda ay dhagaha ka fureysteen baaqyadda ku aadan joojinta dagaalka Laascaanood.
Inkastoo Somaliland ay dhawaan shaacisay in xabad joojin ka dhaqan galisay magaaladda Laascaanood,balse waxaa halkii kasii socda madaafiicda ay ciidankeeda ku gaaracayaan magaaladda oo laga barakacay.
Ma jirto cid u istaagtay in ay kala dhexgasho dhinacyadda ku dgaaalamaya Magaaladda Laascaanood,marka laga reebo baaqyo ay soo saareen DFS, Beesha calamka iyo culumidda Soomaaliyeed.
Somaliland ayaa sheegtay in dano siyaasadeed in laga leeyahay dagaalka Magaaladda Laascaanood,islamarkaan magaaladda ay soo weereen Shabaab iyo dowladda Soomaaliya.
84,000 oo shacab ah aya isaga barakacay Magaaladda Laascaanod,kuwaasi oo ka cabsi qaba madaafiicda lagu garaacayo Magaaladda, aan kala joogsi laheyn 15-maalin xiriir ah.

