Beesha Caalamka oo Cambaareysay Dagaalka Ka Socda Laascaanood

0

Saaxiibada beesha caalamka* ayaa si adag u cambaareeyeen rabshadaha sii socda ee magaalada Laascaanood waxayna walaac xooggan ka muujiyeen wararka la xiriira abaabulka kooxaha hubaysan.

Sidoo kale, waxaan aad uga walaacsanahay duqeynta loo geystay kaabayaasha dhaqaalaha ee rayidka, taasoo sababtay waxyeello iyo barakac baahsan. Waa in si degdeg ah loo joojiyo weerarada ka dhanka ah dadka rayidka ah.

Waxaan ku boorinaynaa dhammaan dhinacyadu inay u hoggaansamaan xabbad joojinta, is xakameeyaan, oo ay galaan wada hadal wax dhisaya si loo helo waddo lagu gaaro xal nabadeed.

Waxaan ku celinaynaa baaqeenna ah in gargaar bani’aadanimo oo aan la hor istaagin si deg deg wax looga qabto baahiyaha dadka barakacay ee ay saameeyeen rabshadaha socda.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here