Waxaa heegan sare la galiyay ciidammada ammaanka ee waddanka Kenya kaddib markii ay soo baxeen warar sirdoon oo sheegaya inay suuragal tahay in dalka uu ka dhaco weerrar argagixiso.
Khamiistii ayey aheyd markii dowladda Mareykanka ay soo saartay digniin dhanka ammaanka ah oo ay u dirtay muwaadiniinteeda ku nool Kenya, saacado uun kaddib markii mas’uuliyiinta waddankan ay shaaciyeen magacyada shan qof oo loo doondoonayo xiriir ay la leeyihiin ururka Alshabaab.
Raggan ayaa lagu eedeeyay in ay mas’uul ka ahaayeen weerarro laga geystay magaalo xeebeedka Lamu ee dalka Kenya.
Dowladda kenya ayaa ka cabsi qabta in shabaabkii laga soo saaray deegaano badan oo Soomaaliya ku yaala in ay weeraro ka geystaan gudaha dalkeeda.

