Al-shabaab oo Soo Bandhigay Ilaaladda Wasiir Ka Tirsan Jubbland oo Isku Soo Dhiibay+Sawirro

0

Al-shabaab ayaa Deeganadda ay ka maamulaan Goboladda Jubooyinka waxa ay kusoo bandhigeen 3-askari ay sheegeen in ay ahaayeen ilaaladda wasiir ka tirsan Maamulka Jubbaland.

Cabdicasiis Abuu Muscab Afhayeenka howlgallada ee Al-Shabaab ayaa sheegay in askartaan ay towbad keentay, kana soo baxeen Jubbaland, isagoo xusay iney la soo goosteen gaari uu lahaa wasiir ku-xigeenka Tamarta iyo Biyaha ee Jubbaland Mustafa Xaaji.

Askartaan ayaa lagu soo bandhigay Degmadda Jilib oo kamid ah deeganadda ay ku xoogan yihiin Al-shabaab,waxaana la sheegay in ay ka towbad keeneen dambigii ay ku jireen.

Ilaa haatan ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka jubbaland oo loogu hadlaayo sheegashadda Al-shabaab.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here