Diyaaradd Laga Leeyahay Ruushka oo Lagu Weeraray Garoonka Aadan Cadde

0

Dowladda Ruushka ayaa sheegtay in diyaarad laga leeyahay dalkeeda lagu weeraray garoonka diyaraadaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay safaaradda Ruuska ee dalka Jabuuti,sidoo kalana qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in weerarkaan uu dhacay taariikhda marka ay aheyd 23-kii bishaan Janaayo,todobaadkii hore balse waxay safaarada shaacisay axadii.

Diyaaraddan ayaa waxaa leh shirkadda UTair ee Ruushka, waxayna ka qeyb-qaadaneysay howlgalka bani’aadannimo ee QM ay ka waddo Soomaaliya, sida ay sheegtay safaaradda ruushka ee dalka Jabuuti.

“Diyaarad Helicopter oo laga leeyahay Ruushka oo ka qeybqaadaneysay taageeridda gaadiidka cirka ee howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa lagu duqeeyay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada Muqdisho, diyaaradda ayaa waxaa soo gaaray burbur aan badneyn,” ayaa lagu yiri qoraalka safaaradda Ruushka.

“Ma jiraan wax khasaare ah oo ka dhashay shilkaan, duuliyayaasha Ruushkuna waxay si caadi ah u sii wateen shaqadooda,” ayay tiri safaaradda ruuska ee Jabuuti.

Dhanka kale dowladda ruushka ayaa sheegtay in falkaan ay ka dambeeyeen dagaalyahandda Xarakadda Al-shabaab,balse haatan ay socdaan baaritaano lagu oganaayo sida shabaab ugu suurta gashay in weerarka fuliyaan.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay laamaha amaanka iyo maamulka Garoonka diyaaradah aadan cadde oo ku aadan weerarka lagu qaaday diyaarad laga leeyahay dalka ruushka.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here