Dowladda Soomaaliya oo Sheegtay in Howlgal Lagu Dilay 136-shabaab ahaa

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Howlgal laga fuliyay Gobolka Shabeelaha Hoose,koonfur Galbeed Soomaaliya in lagu dilay xubno ka Tirsanaa Dagaalyahanadda Xarakadda Al-shabaab.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Alcadaala oo warbaahinta kula hadlay magaaladda muqdisho ayaa sheegay in ciidamadda NISA iyo Saaxiibadda Caalamka ay howlgal ka fuliyeen deegaanno u dhow degmada Jannaalee ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Waxa uu sheegay in howlgalka lagu dilay saraakiil iyo dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab oo gaarayay 136-xubnood,islamarkaana uusan khasaare kasoo gaarin dadka shacabka ee ku sugnaa goobta la beegsaday.

Wasiir ku xigeenka Warfaafinta ayaa intaa ku daray in weerarkan lagu dilay saddex ka mid ah saraakiisha Al-shabaab, kuwaas oo uu magacyadooda ku sheegay Salmaan Dheere oo u qaabbilsanaa howlgallada xeebaha, Macallin Saalaxey iyo Macallin Xaashi, kuwaas oo uu sheegay in dhammaantood ay ahaayeen bartimaameed lala socoday.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here